Doha, Qatar – Maanta oo ah Axadah, 14-ka Sebtember 2025, waxaa si rasmi ah uga furmay magaalada Doha shir degdeg ah oo ay isugu yimaadeen madaxda waddamada Carabta iyo kuwa Islaamka. Shirkan oo lagu magacaabay “Arab-Islamic Extraordinary Summit”, ayaa waxaa si gaar ah loogu baaqay kadib markii dhawaan duqeyn culus lagu qaaday qaar ka mid ah madaxda ururka Hamas oo ku sugnaa gudaha Qatar.
Kulanka ayaa lagu wadaa inuu socdo muddo laba maalmood ah, iyada oo si gaar ah looga doodayo:
- Weerarkii dhanka Israa’iil ee lagu bartilmaameedsaday hoggaan ka tirsan ururka Hamas.
- Khatarta ku wajahan madaxbannaanida Qatar iyo dalalka kale ee gobolka.
- Xaaladda guud ee gobolka iyo tallaabooyinka dowladaha Islaamka ay qaadi karaan si loo ilaaliyo amniga, sharafta, iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee xubnaha OIC iyo Ururka Carabta.
Madaxda Horey u Soo Gaaray
Qaar ka mid ah madaxda horey u yimid Doha ee ka qeybgalaya shirkan waxaa ka mid ah:
- Sheikh Tamim bin Hamad Al‑Thani, Amiirka Qatar (martigeliyaha shirka)
- Masoud Pezeshkian, Madaxweynaha Iran
- Mohammed Shia al‑Sudani, Ra’iisul Wasaaraha Iraq
- Shehbaz Sharif, Ra’iisul Wasaaraha Pakistan
- Hakan Fidan, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga
Waxaa sidoo kale la filayaa in madax kale oo heer sare ah ay soo gaaraan Doha saacadaha ama maalinta soo socota.
Warkaan Waa Socon Doona…
Waxaan si toos ah idiinkala socodsiin doonaa go’aanada kasoo baxa kulanka, khudbadaha madaxda, iyo waxyaabaha muhiimka ah ee laga filan karo shirkan. Waxaa la filayaa in shir jaraa’id laga qabto dhammaadka maalinta si loo shaaciyo war-murtiyeedka kumeelgaarka ah ee ajendaha ugu horreeya.
La soco boggan si aad u heshid warbixin buuxda, sawirro, iyo hadaladii madaxda.