Maxaa dhacay? Dowladda Maraykanka ayaa go’aamisay in la joojiyo nidaamkii hore ee dakhli-dhaafka (duty-free) ee lagu siin jiray alaabaha yaryar ee dibadda laga keeno.
Saameynta:
Alaabo kasta oo dibadda laga soo dejiyo, xitaa haddii qiimaheedu yar yahay, waxaa lagu soo rogi doonaa cashuur iyo canshuur dheeri ah.
Ganacsiyada yar-yar iyo shirkadaha e-commerce-ka iyo dropshipping-ka ayaa si toos ah u dareemi doona culayskan.
Dadka caadiga ah ee wax ka iibsada shirkadaha Shiinaha iyo Yurub (sida AliExpress, Shein iwm) waxay bixin doonaan lacag ka badan sidii hore.
Sababta: Tallaabadan waxaa loo arkaa inay qayb ka tahay qorshaha cusub ee Maraykanka oo lagu doonayo in lagu xoojiyo warshadaha gudaha iyo in laga yareeyo tartanka shirkadaha Shiinaha.
2. Maraykanka oo tijaabiyay hub cusub oo ka hortaga drones
Maxaa dhacay? Ciidanka Maraykanka ayaa ku guuleystay tijaabo hub cusub oo loo yaqaan “drone zapper”, kaas oo adeegsada mowjadaha micro-wave si uu u joojiyo drones badan mar qura.
Awoodda: Hubkani wuxuu isla markiiba joojin karaa ilaa 49 drones hal mar, iyadoo aan loo baahnayn rasaas.
Sababta muhiimka ah:
Dagaallada casriga ah (sida Ukraine iyo Gaza) ayaa muujiyay in drones-ka yaryar ay yihiin halis weyn.