Macalimada ayaa waydiinaya:
“Samire, haddii aad haysato 10 nacnac oo aad cuntid 4, imisa ayaa kuu hadhay?”
Samire ayaa ku jawaabay:
“Midna, macalin.”
Macallimada:
“Maxaad ula jeedaa? Ma tirin kartid?”
Samire:
“Haa, laakiin mar aan bilaabay cunista nacnaca… ma joojin karo!
Ta xigta la soco.
Macalinka ayaa waydiinaya Samire:
“Samire, maxaad saaka u soo daahday?”
Samire ayaa ku jawaabay:
“Saaka… waxaan ku riyooday anigoo ku safrayo aduunka.”
Macallin:
“Oo ka dibna?”
Samire: “Ka dibna, waxaan sugay intaan dhammeeyo safarka!”