Duqeyntii dhowaan Israel ka fulisay magaalada Doha ee dalka Qatar, iyadoo sheegtay inay beegsaneyso madax sare oo ka tirsan ururka Xamaas, waxay si cad u muujineysaa ku tumasho baahsan oo lagu sameeyay shuruucda caalamiga ah. Qatar waa dal madax-bannaan oo leh xuduudo la aqoonsan yahay, kursi ku leh Qaramada Midoobay, kana mid ah dalalka u taagan dhexdhexaadnimada gobolka. In Israel ay si toos ah duqeyn hawada ah uga fuliso dalkaasi, waa xad-gudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida dalalka iyo mabda’a ilaalinta xurmada dhuleed ee waddan kale.
Israel, si cad bay u sheegtay inay beegsaneyso madaxda Xamaas oo ay ku tilmaantay “cadow”, hase yeeshee su’aasha weyn ayaa tahay: haddii tani ay suurtagal tahay, maxaa u diidaya in Israel maalinta beri ah ay duqeyso Sucuudiga, Turkiga, ama dal kale oo Muslim ah iyadoo sheeganaysa in “madaxda Xamaas” ay halkaas ku sugan yihiin? Marka hal dal laga duqeeyo iyadoo aan fasax laga helin, waxa ay dhiseysaa halis sharci oo caalami ah, middaas oo horseedi karta in dal walba uu si iskiis ah falal ciqaabeed u fuliya, iyadoon loo marin dariiqa sharci ee Qaramada Midoobay ama maxkamadaha caalamiga ah.
Waxaa sidoo kale jirta tuhun weyn oo ka dhashay hadalkii uu Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu jeediyey, kaas oo ahaa in “Israel si buuxda u qaadatay mas’uuliyadda duqeynta.” Hadalkaas waxa uu meesha ka saarayaa wax kasta oo mugdi ah: Israel si toos ah ayay u sheegatay inay hawlgal militari ka fulisay dal kale. Balse su’aasha kale ee ka sii fog waxa weeye: haddii Israel mas’uuliyadda qaaday, haddaba yaa duqeynta gaystay dhab ahaantii? Ma Israel si toos ah? Mise duqeynta waxaa gaystay cid kale balse Israel ayey masuuliyaddeeda la wareegtay si ay u difaacdo saaxiibteeda?
Tuhunkaasi wuxuu xoog gesanaayaa marka la tixgeliyo in Qatar ay martigeliso saldhigga milatari ee ugu weyn ee Mareykanka ku leeyahay Bariga Dhexe – Al Udeid Air Base – oo ah xarun istiraatiiji ah oo ay ka baxaan duqeymo badan oo gobolka ka dhaca. Waxaa muuqata inaysan suurtagal ahayn in diyaarado aan laga ogayn Washington ay si fudud uga duqeeyaan caasimadda Qatar, iyadoo Mareykanku leeyahay awood hawo oo ka sarraysa midda gobolka intiisa kale. Sidaas darteed, waxaa soo baxaya su’aal culus: duqeyntan ma Israel kaliya baa ka dambaysay, mise waxay ka dhacday oggolaansho dadban ama toos ah oo Mareykanku bixiyey?
Marka la eego shuruucda caalamka, gaar ahaan Qaanuunka Qaramada Midoobay (Qodobka 2aad, Farqaddiisa 4aad), waxa si cad loo mamnuucay adeegsiga xoog ciidan oo lagu duulo dhul waddan kale, ilaa laga helo oggolaansho gaar ah oo ka yimaada Golaha Amaanka. Israel taas ma aysan helin. Qatarna ma aysan codsan wax gargaar ah oo milatari oo noocaas ah. Sidaas darteed, ficilkaas waa weerar sharci-darro ah, waana inuu keenaa cambaareyn iyo jawaab celin heer caalami ah.
Gabagabadii, Israel waxay isku dayaysaa inay caado ka dhigto weerarro aan sharci lahayn oo lagu fuliyo waddamo madax bannaan, iyadoo marmarsiiyo ka dhiganaysa dagaalka ay kula jirto Xamaas. Haddii arrintani aanay helin jawaab adag, waxay noqonaysaa mid horseed u noqon karta fowdo caalami ah, halkaas oo dal walba uu iska duqeyn karo mid kale isagoo sheeganaya “in cadowgiisu halkaas joogo.” Tani waa khatar weyn oo u baahan feejignaan siyaasadeed, sharci iyo mid dublomaasiyadeed.