
Hordhac
Dunida maanta waxaa lagu faanaa ilbaxnimooyin la qoray oo buugyo iyo taariikho ku duugan yihiin. Laakiin Soomaalidu waxay leedahay dhaxal aan qormo ahaan u bilowday ee af iyo dhaqan jiilba jiil loogu gudbin jiray: Xeer Ciise. UNESCO waxay u aqoonsatay dhaxal maguurto ah, balse su’aashu waxay tahay: Soomaaliyeey, annagu maxaan ka qabanay?

Xeer Ciise: Sharci Soomaaliyeed oo Qarniyo Jira
Xeerkan wuxuu dejinayay:
- Mag iyo diyada colaadaha.
- Xiriirka daaqa iyo biyaha.
- Guurka, heshiisyada iyo nabadeynta.
- Cadaaladda iyo wada noolaanshaha.
Odayaasha iyo guurtidu waxay ahaayeen maxkamadihii dhaqanka, halka bulshada inteeda kale ay ahayd fuliyeyaasha. Waxaa taas ka muuqata in Soomaalidu lahayd nidaam bulsho iyo sharci ka hor dowlad casriyeed iyo gumeysi.
Markii la qoray iyo markii la tarjumay
Markii qoraal iyo turjumaad loo sameeyay, Xeer Ciise wuxuu noqday buug caalami ah oo cilmi-baaris lagu sameeyo jaamacadaha adduunka. Afafka Faransiiska, Ingiriiska iyo Carabiga ayaa lagu turjumay, taas oo ka dhigaysa dhaxalkan mid aan ku koobnayn hal qabiil, balse ah hanti qaran iyo dhaxal bani’aadamnimo oo Soomaali leedahay.
Reer Yurub iyo Sheekadii Gumaysiga
Wadamada gumeysi-doonka reer Yurub waxay ku doodayeen qarniyo badan in Afrika ay iyagu ilbixiyeen. Laakiin Xeer Ciise waxuu beeninay sheegashadaas.
Runta dhulkeenna ayaa muujinaysa in Soomaalidu horey u lahayd sharci, cadaalad iyo nidaam.
Maxay uga dhigan tahay Soomaalida maanta?
- Waa caddeyn in Soomaalidu leedahay ilbaxnimo qoto dheer.
- Waa fariin ku saabsan in aanan innagu lumin dhaxalkeena.
- Waa cashar ku saabsan in qarannimada iyo Soomaalinimada lagu ilaaliyo dhaqan iyo xeer.
Baaq: Maamuusa Dhaxalkiinna!
Soomaaliyeey, meel kasta oo aad joogtaan – gudaha iyo qurbaha:
- Ku faana oo ku xusa Xeer Ciise.
- Bar carruurta manhajka iyo dugsiyada.
- Ka dhig astaanta Soomaalinimada iyo midnimada.
- Qurbajoogtuna ha u adeegsato aqoonsi iyo dood difaac ah marka laga hadlaayo dhaqamada Afrika.
Gunaanad
Xeer Ciise ma aha oo keliya sharci dhaqameed; waa xusuus qaran, waa sumad Soomaalinimo, waa dhaxal ay tahay inaan ilaalino. UNESCO way aqoonsatay, laakiin su’aashu waa: Soomaaliyeey, goorma ayaad idinkuna aqoonsan doontaan qiimaha dhaxalkiinna?